Dhageyso:-Gudiga Difaaca Golaha Shacabka oo ka shiray Xiisada Balad Xaawo iyo weerarkii Guriga C/Qeybdiid+Sawirro

Guddigga difaaca Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho kadib markii uu shalay ka baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen.

Guddigga difaaca ayaa kulankoodii Maanta wxa ay kaga hadleen laba qodob oo kala ahaa xiisada ka taagan Balad Xaawo taas oo u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo Shacabka degamadaas kadib markii Kenya ay bilaawday dhismaha darbiga.

Xogheyaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Dalsan u sheegay in Gudiga uu aad uga hadlay weerarkii Guriga Sanoter Cabdi Qeybdiid,iyaga oo u diray Warqad ay kaga hadlayeen in jawaab laga siiyo weerarka Gurigii Cabdi Qeybdiid iyo xadgudubka Kenya ee degmada Balad Xaawo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Gaba gabadii Guddiga ayaa Magacaabay 5 Xubnood oo ay iska soo xuleen kuwaas oo baaritaano ku sameynaya sababta ka dambeysay weerarka Hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo cida weerartay intaba.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfa kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media