Dhageyso:-Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ka hadlay weerarkii lagu dilay Xildhibaanada

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka degamda Balcad lagu weeraray kolonyo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle,iyada oo weerarkaas lagu dilay laba xildhibaan.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano buundada Ilbiq oo u dhaw deegaanka Ceelka Geeloow oo ku yaalla inta u dahxeysa degamda Balcad iyo tuulada Qalimow.

Xildhibanada weerarkaas lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin  iyo Macalin Daahir Muqtaar iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle,waxaan dilkaas ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanak hir-Shabeelle.

Cismaan Barre Maxamed oo Caawa Wareysi siiyey Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa marka hore uga tacsidayeeyey Eheladaii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Xildhibaanadii Galabta la dilay.

Waxa uu weerarkaas ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,waxa uuna sheegay ay Xildhibaanadaas la weeraray ay howlo sahqo ugu soo socdeen Magalada Muqdisho,isla markaana Maalinat berito ah la’aasi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media