Dhageyso:-Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Dalsan u faah faahiyay Xilka qaadistii Madaxweyne Cosoble

Daqiiqado ka hor waxaa Xildhibaanada Baarlaamanka Maamulka Hir-Shabeelle ay xilka qaadis ku sameeyeen Madaxweynihii Maamulkaas Cali Cabdulalahi Cosoble.

Kulanka xilka looga qaaday madaxweyne Cosoble ayaa waxaa xaadir ahaa 76 mudane, waxaana codka kasloonida kala laabtay 68 ka mid ah 2 ayaa ka aamustay halka 6 ka mid ah ay diideen.

Hadaba Canab Axmed Ciise oo ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle,ayaa radio Dalsan u faah faahisay qaabkii ay u dhacday Xilka qaadistii Madaxweynaha hir-Shabeelle.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa si KMG,ah waxa ay siihayaha xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ugu doorteen Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media