Dhageyso:-Guddoomiye Muudeey”Dowladdu Nabad iyo Nolol ma ahan ee waa…

Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey,ayaa markii ugu horreysay ka hadlay halku-dhiga ay inta badan adeegsadaan Madaxda dowladda ee ah Nabad iyo Nolol,isaga oo sheegay in dowladdu aysan aheyn Nabad iyo Nolol.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in Magacaas kaliya ay adeegsadaan Madaxda Xukuumadda balse dowladdu ay tahay dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladdu ma ahan Nabad iyo Nolol ee waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,idinka xukuumadda iskadhaha hadaad rabtaan magaca Nabad iyo Nolol laakin waa sidaan idin sheegay Xildhibaan fiqi ayaana ku raac sanahay ayuu yiri Guddoomiye Muudeey.

Hadalka Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Sheekh Ibraahim muudeey ayaa dabascoday kadib markii xildhibaan Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in cidkasta lagu tilmaamay in ay tahay Nabad iyo Nolol.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Muudeey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media