Dhageyso:-Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo sameeyey balan qaadkii ugu horreeyey

Maanta ayaa sirasmi ah loogu dhaariyey xilka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo uu maalin kahor Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay mid aad u culus kaas oo u baahan masuuliyad weyn,isla markaana uu dalbadanayo in siweyn loola Shaqeeyo.

“Runtii xilkaan la ii igmaday waa masuuliyad weyn oo madaxweynuhu igu aaminay laakin aniga qorshaheygu waa in la helo garsoor cadaalad ah,hufan,madax banaan,Ummadda soomaaliyeedna ugu adeega cadaalad taas oo aas aas  u ah in aniga iyo cidkasta oo dowladda ka tirsan masuuliyad ka saaran tahay ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa u balan qaaday in Shacabka Soomaaliyeed uu ugu Shaqeyn doono si cadaalad ah maadaama ay soo badatay cabashada ay garsoorka dalka ka qabaan Shacabku.

Marka laga soot ago in guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Maamta xilka loo dhaariyey ayaa hadana weli waxaa in uu yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare ku adkeysanaya Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Ibraahim Iidle Suleymaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Codka guddoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare ee dalka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media