Dhageyso:-Guddoomiyaha Guddiga doorashada oo u digtay Xisbiyada Siyaasadeed ee la diiwaan geliyey

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yarey) ayaa digniin u dirtay xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan 15,ka Xisbi ee horay u qaatay Shahaadooyinka Xisbinimo.

Waxa ay sheegtay in laga doonayo Xisbiyada Siyaasadeed in ay sameeyaan wadashaqeyn wanaagsan oo dhinac walba,isla markaana Xisbigii Xafiiskiisa iyo kuraastiisa ay Shaqeyn waayaan ay fududahay in lagala laabto Aqoonsigii la siiyey ee Xisbinimo.

Waxa ay sheegtay in Madaxda Xisbiyada ay yihiin kuwo Hormuud u noqon lahaa doorasho Sanadka 2020 ka dhacda Gudaha dalka soomaaliya loogana baahan yahay in cadeeyaan ujeedadooda.

“Runtii dhawan baaritaano ayaan sameyn doonaa oo aan ku ogaaneyno in ay Shaqeeyaan Xafiisyada Xisbiyada,hadii aysan cadeyn ujeedadooda oo aysan laheyn kuraas iyo Xafiisyo shacabka Soomaaliyeed yeysan ku qaldoomin hadhowna wax ay la imaan doonaan dowlad jiis ah ayey tiri Xaliimo Yareey.

Sikastaba Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Shahaadooyinka Xisbinimo waxa uu siiyey 15 Xisbi Siyaasadeed oo Shan ka mid ah isniintii Shalay ay ugu dambeysay.

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media