Dhageyso:-Guddoomiyaha Cusub ee G/Shabeellaha Hoose oo qiray in dhibaato amnidarro ka jirto Gobolkaas

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose ee maalin kahor la Magacabay ayaa markii ugu horeysay Warbaahinta la hadlay,isaga oo sheegay Shaqooyinka ugu horeeya oo uu qaban doono Maamulkiisa.

Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose uu isbedel dhinac walba ah uu sameyn doono,sida amniga,Dhaqaalaha iyo qorshooyin kale oo dhinaca horumarka ah,isla markaana Caalamka oo dhan ay soo hiigsadaan.

Waxa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah balse maamulkiisa uu diyaar u yahay sugida amniga iyo la-wareegitaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Hadalka Gudoomiyaha Cuusb ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay falal amnidarro ka dhacayeen Gobolkaas,iyada oo shalay ay ugu dambeysay uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaah Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media