Dhageyso:-Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilka la wareegay

Munaasabad lagu qabtay Xarunta villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa laabda guddoomiye kuxigeen ee Golaha Sahcabka,Xildhibaano iyo marti sharaf kale,waxana guddoomiyaha Cusub xilka ku wareejiyey guddoomiyihii hore ee is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guddoomiyaha Cusub ku wareejiyey qorsho howleedka Golaha Shacabka iyo jadwalka Shaqo ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amaan u jeediyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,isaga oo sheegay in uu soo shaqeeyey waqti aad u adag.

Sikastaba guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii lagu doortay Muqdisho ayaa waxaa haatan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media