Dhageyso:-Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay joojinta dagaalka Tukaraq

Iyada oo weli ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysay ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa dagaalkaas ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid dhibaato mooyee aan  wax faa’iido ah aan laga dhaxleyn.

“Horay ayaan u sheegay oo aan usheegay in dagaal in lagu tirmo mooyee aan lagu tarmeyn,welina waa uu socdaa aniga weli waxaan la yaabanahay waxa lagu arkay tukaraq ee daka loogu leynayo,waxana leeyahay Alle ka baqa oo dadka dagaalka ka daayo ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxa uu sheegay in dagaaladaas ay sababi karaan qax iyo dhibaato laakin ay muhiim tahay in dadku ay nabad qaataan,isla markaana ay wada noolaadaan.

In kastoo baaqyo kala duwan ay soo baxayaan taas oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka tukaraq ayaa hadana madaxda Maamulada Puntland iyo Soomaaliland waxa ay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurin kara dagaalkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media