Dhageyso:- Guddiga doorashada Soomaaliland iyo xisbiga WADANI oo Goordhow heshiis kala saxiixday

Kulan shalay soo bilaawday oo u dhaxeeyay Guddiga doorashooyinka Soomaaliland iyo Madaxda xisbiga WADANI ayaa maanta la soo gaba gabeeyay iyada oo qodobo laga soo saaray.

Kulankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii xubnaha Xisbiga WADANI ay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii guddiga doorashada kadib markii ay heleen Warqado ay ku sheegeen kuwo been  ah oo loogu codeeyay xisbiga Kulmiye.

Hadaba qodobadii ka soo baxay kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa.

1.In tirinta Codadka Hargeysa iyo Gabiley sideedii hore ahaato.

 

2 in Buuggii dhawaan ay xubnaha WADDANI soo bandhigeen oo ay ku sheegeen inuu ahaa foojari, aanu ahayn ee uu ahaa buug KDQ lahaa oo loogu tallo gallay in lagu tuso xisbiyadda qaabka codaynta, gaar ahaan buugaasi uu kamid ahaa buugaagtii komishanku geeyeen gobolka Saaxil.

3.Ka Guddi  ahaan in laga jawaabo wixii cabasho ah ee xisbiga WADDANI tirsanayo.

4. In Dib loo bilaabo doorkii Xisbiga waddani ku lahaayeen tirinka codadka oo ay hore uga baxeen.

Qodobadii ka soo baxay kulankaas waxaa Warbaahinta u Akhriyay Cabdiqaadir Iimaan Warsame Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha.