Dhageyso:-Guddi loo Magacaabay sidii Amisom uga bixi laheyd Garoonka Stadium Muqdisho

Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Maanta Xafiiskiisa waxa uu kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii la isaga kaashaan lahaa sugida amniga Caasimadda iyo sidoo kale dhanka horumarka gobolkaan Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka waxyaabihii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen Guddi ay u xil saareen sidii Amisom ay Maamulka G/Banaadir ugu soo wareejin lahaayeen Garoonka Kubbada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka kana Daawo Sawirrada