Dhageyso:-Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xilalkii ka qaaday taliyeyaashii Nabad-Suggida iyo Booliiska

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Maanta waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya kulankaas oo maanta ahaa mid ka duwan kulmadii hore isla markaana ahaa mid deg deg ah.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed guuleed, waxaana inta badan looga hadlay xaalada amniga dalka Soomaaliya iyo weeraradii Bishaan Gudaheeda ka dhacay Magaalada muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xilka qaaadis lagu sameeyay taliyeyaashii Nabad-Suggida iyo Booliiska Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Cabdi Xakiin Daahir Siciid Saacid’ waxaa lagu eedeeyay Gudasho la’aanta waajibaadkii Shaqo ee loo igmaday.

Wasiirka ayaa sheegay in xilka qaadistaan uu soo jeediyay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle isla markaana Golaha Wasiirada ay ka aqbaleen soo jeedintii Wasiirka.

Sidoo kale Golaha ayaa sheeciyay in weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ay ku geeriyoodeen ilaa 27 ruux oo isugu jiray Shacab iyo madax intaba.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warafafinta Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media