Dhageyso:-Golaha Wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Sharci Muhiim ah+Sawirro

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa mudo kadib Maanta kulan ku yeeshay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Kulanka ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay Wasiiro ka tirsan Galmudug sida,Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga kuwaas oo Golaha Wasiirada u gudbiyay Shaqooyinkii ay qabteen iyo kuwa weli horyaalla.

Xubnaha Golaha Wasiirada shirkoodii Maanta waxa ay uga doodeen  sharciyada Amniga iyo Dowladaha Hoose,iyaga oo ugu dambeyn cod Gacantaag ah ku ansixiyay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii Maanta ku soo hadal qaaday heshiiskii ay wada saxiixdeen Madaxda Galmudug iyo Sheekh Axmed shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Ahlusuna,iyaga oo heshiiskaas taageeray uguna baaqay Shacabka in ay taageeraan heshiiskaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan Mesagawaay ayaa Warbaahinta u faah faahiyay qodobada ugu muhimsanaa Shirkoodii Maanta.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media