Dhageyso:- Go’aankii uu ku taageeray Shariif Xasan Xulufada Sacuudiga oo laga soo horjeestay

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Bydhabo ee Xarunta gobolka Baay Golaha la maagc baxay Golaha badbaadint koonfur Galbeed ayaa waxa ay kaga dhawaqeen in ay kaas oo horjeedeen talaabadii Maamulka konfur Galbeed uu ku taageerada Xulufada Sacuudiga.

Kulanka oo ay Warsaxaafadeed kas oo saareen ayaa waxa ay sheegen in Go’aanka uu qaatay Shariif Xasn Sheekh Aadan Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed uu yahay mid uusan ku metelin Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay shegeen Golahaan in tani u jeedada uu la leeyahay Shariif Xasan ay tahay sidii uu dhaqaalo uga heli lahaa isla markaana waqtiga uu ku dheereysanyo sida ay hadalka u dhigeen.

Shalay ayaa Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa lagu sheegay in lagu taageeray Go’aankii ay horay u qaateen Xulufada Sacuudiga kaas oo ahaa in xiriirka loojaray dowladda Qatar.

Warmurtiyeedka ay soo saareen oo ka koobnaa qodobo dhowr ah ayaa waxaa Saxaafada u akhriyay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha badbaadada koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Maxamed nuur Sarsansoor..

Hoos Ka Dhageyso Codka Aadan Saransoor

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media