Dhageyso:-Generaal Subagle”AMISOM kaba baxeysa Soomaaliya ilaa la wiiqo Awooda Al-Shabaab”

General Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyay qorshaha Amisom ee ka bixitaanka Soomaaliya iyo Guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsani ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasina ay u suurto galisay in deegaano farabadan kala wareegaan Shabaab.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in MISOM aysan Soomaaliya ka bixi doonin ilaa intalaga helayo Ciidamo u diyaarsan in ay kala wareegaan Amniga.

“AMISOM iskama baxeyso ee qorsho ayay ku baxeysaa waa in la helaa ciidamo u dhameystiran qalabkooda,tababarkooda kala dambeynta ciidamada in uu sara u kaco iyo in ay ciidamada soomaalida ay helaan mushaar iyo daryeel wanasgan lana wiiqo awooda Alshabaab ayuu yiri Generalka Cismaan Nuur Subagle”

AMISOM ayaa horay loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka baxdo horaanta Sanadkaan 2018,in kastoo uusan xiligaan muuqan qorsho ay AMISOM uga baxeyso  dalka  Soomaaliya.

Hoos  Ka Dhageyso Codka Generalka Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media