Dhageyso:-Ganacsiga Suuq Bacaad oo Maanta xiran iyo Maamulka degmada oo ka shiraya

Waxaa Maanta gebi ahaanba xiran Ganacsigii Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad  kadib amar ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo ku saabsan dhanka amniga.

Shalay ayaa Suuq Bacaad waxaa lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada kuwa Cabnshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada, iyada oo kooxdii ka dambeysay dilka Askarigaas ay goobta ka baxsadeen.

Gudoomiyaha degmada Yaashiid Axmed Xasan Maxamuud  oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in sababta ay suuqa u xireen Maanta ay tahay in Suuqaas dhowr mar dad lagu dilay isla markaana Ganacsatadu iyaga oo u jeedaan dadka dilka geestay ay ka aamusaan.

Waxa uu sheegay in Maamulka degmada Yaaqshiid uusan marnaba aqbalaeyn in Suuqaasi in qof lagu dilo hadana si fudud uu uga baxsado qofkii dilay  isaga oo sheegay in Ganacsatada laga doonayo in ay Ciidamada iyo Maamulka la Shaqeyaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hadda Xarunta degmada uu ka socdo shir u dhaxeeya Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Dhamaan Ganacsatada kaas oo ku sabsan sidii  looga dhaadhicin lahaa in ay amniga ka Shaqeeyaan saacadaha nasoo aadana Suuqii dib loo furi doono.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid