Dhageyso:-Ganacsatada Muqdisho oo ka hadlay Xeritaanka Ganacsiga Suuqa Bakaaraha+Sawirro

Waxaa weli xiran Ganacsigii Suuqa Weyn ee Bakaaraha kaas oo Ganacsatada ay shalay ku dhawaaqeen Shaqa Joojin Maantana ay fuliyeen,iyaga oo ka cabanaya Canshuur kordhin lagu sameeyay.

Waxaa la arkayay gebi ahaanba Goobihii Ganacsi ee Suuqa oo xiran,iyada oo Ganacsatada qaarkood ay hor dhooban yihiin goobahooda iyaga oo rajo ka qaba in la xaliyo tabashadooda.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Maanta la hadlay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in xeritaanka Ganacsiga Bakaaraha ay masuul ka tahay dowladda oo ay ku eedeeyeen in Cansuurta ay ku kordhisay.

Waxa ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay ka dhinto Canshuurta tirada badan ah oo ay ku soo rogtay si ay Ganacsigooda u furtaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayay sigaar ah ugu eedeeyeen in uu u adeegsaday Erayo ay ka caroodeen oo ay ku sheegeen Go to Kismaayo oo u dhiganta ( Kismaayo aada).

Cabashada ka soo yeertay Ganacsatada Muqdisho ayaa weli wax jawaab ah ka bixin Dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Ganacsatada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media