Dhageyso:-Ganacsatada Magaalada Garoowe oo fuliyay amar ka soo baxay Maamulka

Waxaa dib loo furay Goobihii Ganacsiga ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kadib markii ay u xirmeen sababo la xiriira  diidmada isticmaalka Shilinka Soomaaliga.

Bashiir Cabdishakuur Nuur oo ka Mid ka mid ah Ganacsatada Magaalada Garoowe  oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Puntland ay ciidamo farabadan ay soo dhoobtay Suuqa Garoowe islamarkaana Ganacsatada lagu amray in ay Goobahooda Ganacsiga furaan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ganacsadihii diido in uu furo goobtiisa la sheegay in lagu ganaaxi doono 20  Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah iyo 6 bil oo xariga ah.

Guud ahaan Goobihii Ganacsiga ayaa haatan sicaadi ah u shaqeynaya,in kastoo ay weli jiraan Ganacsato aan furin goobohoodii Ganacsi.

Hoos Ka Dhageyso Codka 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media