Dhageyso:-Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo dalbaday siideynta Sheekh Xasan Daahir Aweys

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii  Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda.

Mar uu ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee dalka ayuu sheegay  in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ay yihiin kuwo laga maamulo Itoobiya isla markaana ay fikirkeeda ku Shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay dhanka amniga ayaa waxa uu sheegay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ku dhib qabaan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir, sida in Wadooyinkii Xaafadaha iyo kuwa Caadiga mararka qaar laga xiro.

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa ugu dambeyn codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media