Dhageyso:-Galmudug”Ma aqbaleyso in Dad Culumo ah la weeraro waana ka digeeynaa”Xaashi Carabeey”

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sikulul uga hadlay dagaalkii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalkaas islamarkaana ay waxyeelo ka soo gaareyso dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo dushooda lagu dagaalamay.

Waxa uu sheegay in marnaba Galmudug aysan aqbaleyn in la weeraro dad rayid ah oo meel degan kuwaas oo doonayay in ay aayahooda ka tashadaan.

“Dadka deegaanka Xeraale waa dad Culumo ah oo Ahludiin ah hadii aan nahay Galmudug marnaba ma aqbaleyno in la weeraro waa in arinkaas laga laabtaa oo iyagu ay ismaamulaan ayuu yiri Maxamed Xaashi Carabeey.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku Xigeenka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media