Dhageyso:-Galmudug oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Puntland

Dagaal ayaa Xalay Waxa uu Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Bariga Gobalka Mudug  Kaasoo la Sheegay Inuu U dhaxeeyay  Dad Xoolo Dhaqato Ah Oo Ka Soo Jeeda Galmudug  iyo Puntland.

Inta La’Ogyahay Dagaalkaas Waxaa Ku Geeriyoday  Sagaal Ruux oo Labada Dhinac Ah Halka Dhawucuna Intaas uu Ka Badanyahay.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Puntland ee Aaga deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug  oo la hadlayay Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas ay ku soo qaadeen Ciidamo Isbaheysi ah oo isugu jira kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab

Dhinaca Kale Taliyaha  Daraawiishta Galmudug Ee Gobalka Oo Mudug Xasan Faarax Kaarshe Tima Weyne oo la hadlay radio Dalsan Ayaa Sikulul Uga Halay Hadalka Ka Soo Yeeray Maamulka Puntland.

Tima Weyne Ayaa Shegay In Maamulka Puntland Ay Caadesteen In Mar Walba Ay Alshabaab Ku Tilmaaman Galmudug Waxuuna Digniin Culus Udiray Maamulka Puntland.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Taliyaha Oo U Waramay Maxamed Cabdullahi Baxnaaniye

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media