Dhageyso:-Galmudug oo Hay’addaha Samafalka iyo Madaxda dowladda baaq u dirtay

Maamulka Galmudug ayaa ka walaacsan abaaro ay sheegeen masuuliyiintiisa in xiligaan ay ka jiraan deegano badan oo ka tirsan labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud abaartaas oo saameysay dadka iyo Duunyada.

Wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Arimaha Bani’aadanimada Galmudug Mahad Maxamuud Cali ayaa sheegay in deegaanada Galmudug ay waqtigaan ka jirto abaartii ugu darneyd, isla markaana taasi ay u sii dheer tahay Colaado ka dhacay.

Waxa uu sheegay in abaarta ay gaartay Heer ay dadku u geeriyoodaan xili Xoolo badan ay u dhinteen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ugu  baaqay Hay’addaha Samafalka iyo Madaxda ugu sareysa dalka in ay Gurmad deg deg ah la soo gaaraan Shacabka reer Galmudug.

Hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya xili Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug uu yaallo Raashin Gargaar ah oo ay horay halkaasi u geeyeen Guddiga Gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media