Dhageyso:-Galmudug oo DFS ku wareejisay Xarun lagu dhaqan celinayo Dhalinyarada ka soo baxsata Al-Shabaab+Sawirro

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii leysku daray labadii Maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay ku wareejiyeen Xarun loogu talo galay in lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo baxda Al-Shabaab taas oo laga dhisay M/Dhuusamareeb.

Goobta wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan  iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Eng Cabdirashiid_Ibraahim oo uu la socday Agaasimaha dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Galmudug Najiib_Xirsi_Dhoore iyo madax kale.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Xaruntaas loogu talo galay in lagu dahqan celiyo Carruur kas oo baxsaday Al-Shabaab kuwaas oo laga kala keenay degmooyin ka tirsan deegaannada Maamulka Galmudug akdib markii ay soo bateen dhalinyaro ka soo carareysa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Agaasimaha Guud ee Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Eng Cabdirashiid_Ibraahim ayaa isna waxa uu sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in Xaruntan la hirgeliyo,waxa uuna sheegay in lagu badbaadin doono Carruurta weli ka soo baxsaneyso Al-Shabaab.

Sikastaba Xaruntaan ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu xareyn doonaa ilaa 71 Caruur ah oo haatan Galmudug ay gacanta ku heyso kuwaas oo dhawaan soo gaaray Dhuusamareeb kana yimid deegaano ay Maamulaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media