Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qorshaha Wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay wado kaas oo ah dib u eegista Dastuurka dalka Soomaaliya iyo wadatashadada ay Wasaaradu haatan ka wado qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.
Cismaan Maxamed Socdaal Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug oo Wareysi gaar ah siiyey Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay aad u jeceshay in Dastuurka Qabya Qoraalka ah ee dalka waqti badan loo geliyo sidii mudo laba Sano gudahood ah loo dhamestiri lahaa.
Waxa uu shegay in wadatashiyada ay wanagsan tahay in ay dhamaan ka wada qeyb galaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Dastuurka Maamul goboleedyada dalka ka jira si uu u noqdo mid dhinacyo badan lag eegay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka dastuurka Galmudug