Dhageyso:-Galmudug oo awaamiir culus ku soo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta amar dul-dhigay Ganacsatada qaadka iyo Diyaaradaha Qaadka geeya deegaanada Maamulkaas

Amarkaan ayaa waxaa bixisay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Galmudug iyada oo la faray dhamaan Ganacsatada Qaadka iyo Diyaardaha keena intaba.

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa ku amray ganacsatada qaadka iyo Diyaradahaha qaadka in aysan ka soo degi Karin Garoomada Diyaadaraha Galmudug,iyaga oo aan ogolaansho ka heysan Maamulka.

Waxa uu sheegay in Ganacsatada Qaadka kiiladiiba laga doonayo in ay bixiyaan lacag Canshuur ah oo gaareysa  ila $2.5 oo dollar islamarkaana mudo 7 Maalin gudahood ah iskusoo diiwaan geliyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media