Dhageyso:-Gaari lagu gubay Shabeellaha Hoose iyo faah faahin ka soo baxeysa

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa faah faahin ka bixiyey gaari qaad siday oo xalay lagu gubay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo bataramiin oo u dhow deegaanka Golweyn,waxana gaariga la gubay oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano HOMEY ay lahaayeen Ganacsatada qaadka ee G/Shabeellaha Hoose maalin walbana uu qaad geyn jiray degmada Buulo Mareer.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in gubitaanka gaarigaas ay ku geeriyoodeen Afar ruux oo Ganacsatadii saarneyd ahaa,isla markaana ay falkaas ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in goobta falka uu ka dhacay ay tahay mid howd ah,oo aan cidna joogin,hasa yeeshee ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayna soo qaadeen meydka dadka rayidka ah oo ay gaariga la gubay ku dileyn Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyey in gaariga qaadka geyn jiray deegaano ka tirsan G/Shabeellaha Hoose in la gubo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media