Dhageyso:-Gaari la sheegay in lagu fulin jiray weerarada ka dhaca Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Howlgal ay Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ay ka smeeyeen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ayaa waxa la sheegay in ay Gacant ku dhigeen Gaarigii maal mahaan weerarada ka geysanayay gudaha Degmadaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo warey siiyay Radio Dlsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Gaarigaas haatan Gacanta lagu hayo isla markaana uu baaritaan ku socdo.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay ciidamadu gacanta ku hayaan Darawalkii waday Gaariga wixii faah faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

48,dii Saax ee la soo dhaafay ayaa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley waxaa ka dhacay laba dahcdo taas oo mid ka mid ah lagu weeraray  Gaari ay laheyd Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cabdi Fitaax Xalane

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media