Dhageyso:-Gaari Dadka lagu dhici jiray oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Ciidamada Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay ku guuleesteen in ay Gacanta ku soo dhigaan gaari ay wateen Koox Burcad ah kaas oo lagu dhici jiray dadka ku nool gudaha degmadaas iyo waliba degmooyin kale oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ayaa suurtagashay in ay Gacanta ku dhigaan Gaarigaas oo caan ka ah degmadaas iyo Milkiilihii Gaariga.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir Axmed Xasan Maxamuud,oo Goobta lagu soo bandhigayay Gaariga ka hadlayay ayaa sheegay in Gaariga uu yahay noociisa  NOHA,Kaas Oo Taargadiisu Aheed AD1224,islamarkaana ay ka warqabeen islamarkaana laga ogaa dhamaan laamaha amniga sida CID,da iyo taliska Nabad-Sugida Soomaaliy intaba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiliga la qabanayay Gaariga iyo Burcada wadatay ay dhacayeen Xoolo ay wateen dad Shacab ah.

Hoos K Dhageyso Codka gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media