Dhageyso:-Gaadiidkii ugu badnaa oo ku xayiran Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Roobkii guga oo ka da’ayey qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe taas oo sababtay in Wadooyinka qaar ee Gobolkaasi uu roobku xiro,isla markaana gaadiidka qaarkood ay magaalooyinka qaar ku xayirmeen.

Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar ayaa la sheegay in ahatan ay ku xayiran yihiin gaadiid farabadan oo u badan Booyadaha Shidaalka qaada,waxana taasi ay sababtay in Jowhar Shidaalka qiimihii la iibin jiray uu sarakac ku yimaado.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in shidaalka uu iminka yahay mid sare u kacay,isla markaana ay sabab u tahay Wadooyinka soo gala Magalada jowhar intooda abdan ay biyo fadhiisteen,isla markaana uusan Magalada soo geli Karin wax gaadiid ah.

Tuulada Qalimoow ayaa la sheegayaa in atana ay ku xayiran yihiin Gaadiid farabadan oo Jowhar u siday Raashin iyo Shidaal,iyada oo Wadada uu roobkii jaray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay in bisha soo socota uu bilaaban doono dhismaha Wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar taas oo meesha ka saari doonta cabashada ka imaaneysa Gaadiidleyda Wadadaas isticmaala.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media