Dhageyso:-Fanaanka Cali Dhaanto oo ka hadlay waxa ka jira in Kismaayo lagu sumeeyay?

Baraha Bulshada ay isticmaashi iyo Warbaahinta qaarkood ayaa lagu baahiyay in xaalada Caafimaad ee fanaanka Cali Bashiir Cabdi (Cali Dhaanto) laga deyrinayo kadib markii lagu sumeeyay Xaflad uu uga qeyb galay kismaayo.

Goordhow ayaa waxa isaga oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho uu sheegay in wararka sheegaya in xaaladiisa Caafimaad ay Qatar ku jirto ay tahay mid been abuur ah isla markaana Maanta uu ka yimid Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in isaga iyo xubno la socda ay Kismaayo ku sugnaayeen mudo todobaad ah haatana maanta ay sibad ah uga soo laabteen iyaga oo aan wax dhibaato ah qabin.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanagsan,waxa uuna ugu baaqay dadka Baraha Bulshada isticmaala in aysan faafin wararka been abuurka ah.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in tiro dhowr jeer Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada lagu faafiyay in uu geeriyooday.

Hoos ka Dhageyso Codka Fanaanka Cali Dhaanta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media