Dhageyso:-Faah faahinta Dab xalay ka kacay Dekadda M/Berbera

Xalay waqtiga Afurkii ayaa waxaa Dab uu ka kacay qeyb ka mid ah Dekadda weyn ee Magaalada Berbera deegaaanda maamulka Soomaaliland.

Dabkan ayaa La arkay uun Markii salaada Maqrib la ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ka kacay Kuntineero Meesha Yaalay Dab ka Dhashay, Taasina ay sababtay Dabkaas in uu  Cirka Isku Shareero.

Goobtan uu Dabka ka kacay oo Gubanyasa ayaa waxaa  loo yaqaanaa Barxada Wajaale waxayna kaabiga ku haysaaa , Haamaha Shidaalka Berbera, iyo Shirkadaha Keena Gaaska wax Lagu karsado.

Axmed Yuusuf Dirir Maareeyaha Dekadda Magaalada Berbera ayaa sheegay in ay xalay Saqdii dhexe ku guuleesteen deminta dabkaas.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Shaqaallo ka Shaqeynayay Dekadda ay waxyeello ka soo gaartay debkaas balse sidoo kale ay jiraan khasaaro hantiyeed ee uu geestay Dabkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media