Dhageyso:-Faah faahin Rag ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Koonfur Galbeed

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay rag tirsan Shabaab iyo Gaadiid ay wateen kuwaas oo ay sheegeen in ay isku soo dhiiben.

Raggan oo watay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 7 Ruux waxa ayna isku dhiibeen Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in raggaan ay  ka soo tageen deegaan lagu magacaabo Carabow oo qiyaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Gobolada Koonfur Galbeed ka socdaan howlgallo lagu baadi goobayo rag ka tirsan Al-Shabaab halka kuwo kale badankood ay isasoo dhiibayaan sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin raggaan la sheegay in ay ka tirsanaayeen ee isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media