Dhageyso:-Faah faahin Qarax Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo barqanimadii Arbacada Maanta ah ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xili uu marayay inta u dhaxeysa deegaanka Siinka-dheer iyo Tareedisho ee duleedka muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Kalkaal.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas uusan waxba gaarsiin Gaarigii Cabdi Bilaha ahaa ee lala damacsanaa balse ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo Shacab ah kuwaas oo Wadada marayay.

Ciidamadii watay Gaariga Cabdi Bilaha ahaa ayaa safarkoodii iskasii watay,waxana jira Burbur ay Wadada u geystay Miinada,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili sidaan oo kale Xaafada Xararyaale ee Degmada Warta-Nabada ay shalay ku qaraxday Miino lagu aasay Wadada dhexdeeda.

Hoos ka  Dhageyso  Codka  Goobjoogaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media