Dhageyso:-Faah faahin Duqeyn lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya

Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe oo Warbaahinta la hadlay sharaxaya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Qandala

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media