Dhageyso:-Eng Cameey”Dagaalka majoogsan doono ilaa aan la wareegno deegaanada nooga maqan Somaliland”

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo booqasho ku jooga Magalada Buuhoodle ayaa shaaciyey ujeedka safarkiisa Magalada Buuhoodle,isaga oo sidoo kale ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.

“Anigu maanta markaan runta idiin sheego waxaan halkaan u nimid labo waa calaf iyo ciidan,reer buuhoodle labadaas ayaan idinka dooneynaa,waxana idiin sheegayaa in qolooyinka Beesha Caalamka ah ee tukaraq ku haayo in magalooyinka Puntland aysan u kala duwaneyn ayuu yiri Mudane Cameey.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka puntland marnaba uusan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah maamulka Soomaaliland ilaa iyo inta ay kula wareegayaan deegaanada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aya masuuliyiin ka kala tirsan labada Maamul waxa ay hawada isku marsiinayaan hadal hanjabaad ah taas oo cabsi ku abuurtay shacabkii yaraa eek u haray deegaanka tukaraq.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media