Dhageyso:-Ehelada Soomaali Masaafuris ku xukuman oo shaaciyay in la jirdilay

Maalma ka hor ayay aheyd markii Xilibaano katirsan aqalka Congreska dalka Mareykanka ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo sagaashan qof oo Soomaali ah oo la sheegay in si aan wanagsaneyn loola dhaqmay xili loo tarxiilayay Soomaaliya.

Diyaaradii la saaray dadkaas ayaa la sheegay in aysan tegin Soomaaliya oo ay ka soo laabatay wadanka Senegal, dibna ay ugu laabatay magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Arrintaan ayaa la sheegay in ay sababtay in jirdil iyo tacadiyo loo geysto qaar ka mid ah soomaalidii laga soo celinayay dalka Mareykanka ee loo soo waday Soomaaliya balse aysan suurtagelin.

Fardowso Maxamuud Cumar waa Hooyo dhashay mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo celinayay Mareykanka,iyaga oo sheegtay in wiilkeeda loo geystay jirdil xooggan kadib markii qeylo iyo buuq farabadan uu ka dhacay Gudaha Diyaarada.

Waxa ay sheegtay in wiilkeeda madaxa ay jug ka gaartay kadib markii sixun loola dhaqmay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Hooyo Fardowso Maxamuud Cumar.