Dhageyso:-Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi”Intii aan xilka hayay waxan arkay in dalka Kalsooni daro ay ka jirto”

Taabit Cabdi Maxamed gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku sugan dalka Turkiga ayaa xalay waxaa Magaalada Ankara loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan dalkaas.

Taabit ayaa Munaasabadda waxa uu ka jeediyay khudbd uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo waxyaabihii uu ka bartay intii uu xilka ka hayay Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in intii uu hayay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ogaaday in dalka aysan ka jirin amnidaro balse ay ka jirto kalsooni daro,taasina ay ugu wacan tahay in aan la ilaalin karaamada Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu hadlkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in la dhiso kalsoonida Shacabka si loo helo amni buuxa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taabit Cabdi Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media