Dhageyso:-Duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel-Cadde oo ay maamulaan Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay halkaasi ka dhacday duqeyn Diyaaradeed taas oo geystay khasaaro nafba iyo maalma leh.

Dadka deegaanka ayaa dalsan waxa ay u sheegeen in duqeyntaas lala eegtay dhammaan Xaafadaha deegaanka Ceel-Cade,isla markaana ay sababtay dhaawaca dad shacab ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa waxa uu sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo uu ku jiro cunug yar iyo laba qof oo waaweyn kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Hayeeshee waxa uu sidoo kale sheegay in goobaha diyaaradaha ay bar tilmaamedsadeen aysan aheyn saldhigyada Al-Shabaab balse la beegsaday Guryo dad Shacab ah ay deganaayeen oo ku yaalla gudaha Xaafadaha Bari ee  deegaanka Ceel-Cade iyo daafihiisa sida uu hadalka u dhigay.

Masheegin goobjoogaha diyaaradaha duqeeyey deegaanka Ceel-Cade halka laga leeyahay basle waxaa horay loo ogaay in dhowr mar ay duqeyn ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya oo qeybo ka mid ah gobolka Gedo ay Ciidamadeeda ku sugan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah shacabka Deeaganka Ceel-Cadde ee G/Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media