Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo ka hadlay Amniga Caasimadda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay waajib tahay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir ay helaan Nabad iyo Nolol waarta,isla markaana Maamulka gobolka uu kala Shaqeyn doono.

Waxa uu sheegay gudoomiye Taabit in Shacabka dhankooda la doonayo in ay maamulka kala Shaqeeyaan arrimaha diriseynta taas oo qeyb weyn ka qaadan karto Nabada iyo xasiloonida Muqdisho.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in qof walba uu waajib ku yahay in uu la socdo dhaq dhaqaaqa Xaafadiisa kana warhaayo deriskiisa sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba hadalkaan ayaa Gudoomiye Taabit waxa uu sheegay xili xalay uu ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray is dhexgalka bulshada oo lagu qabtay degmada Boondheere.

Hoos ka Dhageyso Codka gudoomiye Taabit.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media