Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo fariin u diray Shacabka Gobolka Banaadir

Iyada oo habeen ka hor laamaha Amniga Soomaaliya ay ku dhawaaqeen howlgal amniga lagu xaqiijinayo in laga sameynayo muqdisho ayaa waxaa Maamulka Gobolka Banaadir uu baaq u diray Shacabka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow ayaa ka dalbaday Shacabka Magaalada Muqdisho in ciidamada xasilinta ay kala shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda.

Waxa uu sheegay in Shacabka looga baahan yahay in cid allaala iyo cidii dhuumaneysa ay soo sheegaan iyagana ay si istiraatiiji ah ay u maareyn doonaan.

Tallaaba kasta oo lagu helayo Amniga muqdisho ayuu sheegay Gudoomiye Yariisow in ay dowladdu qaadi doono laakin Shacabka looga baahan yahay in ay kaalintooda qaataan.

Weerar iyo qaraxyo ka dhacay habeenkii Jimcaha Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay xiligaas dowladda Soomaaliya waxa ay shaacineysay in uu bilaaban doono howlgal laga sameyn doono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media