Dhageyso:-Dr Nuur Faarax oo rajo xumo ka Muujiyay dhaqangalka balanqaadkii Madaxweynaha ee la Dagaalanka Musuq-Maasuqa

Hanti Dhowrihii hore Qaran Dr Nuur Faarax haddana ah Madaxa Somalia ee Hey’ad ka Howlgasha Africa oo ka shaqeysa la dagaalanka Musuq Maasuqa,ayaa maanta soo bandhigay Heerka Musuq Maasuq ee Somalia iyo waxa hortaagan iyo Daah-furnaan la helo.

Waxa uu sheegay in Dowladu aysan fulin balanqaadkeedii ee la xiriiray in ay la dagaalameyso Musuq-Maasuqa oo ay la imaaneyso Qorsho la xiriira Isla Xisaabtan iyo Daah-furnaan.

Waxa uu soo hadal qaaday Lacag la sheegay in Dowlada lagu wareejiyay xiligii la doortay Madaxweyne Farmaajo Lacagtaa oo aheed in  kabadan 5-Milyan oo Dollar oo kujirtay Qasnada dhexe ee Dowlada.

Dr Nuur Faarax oo joobjoog ka ahaa wareejinta lacagtaas ayaa waxa uu sheegay in Raisul Wasaarae Kheyre lacagtaa la wareejiyay waxba kama jiraan kasoo qaaday dhowaana sheegay in Qasnada dhexe aysan lacagba ugu tagin,taasi ayuu ku tilmaamay mid uu ka ilduufay Raisul Wasaare Kheyre.

Waxa uu sido kale ka hadlay maareynta lacagaha badan ee dadka laga ururinayo oo Gudiga Gurmadka Qaran aysan si cad usoo bandhigin lacagaha ay soo xareyaan iyo meelaha lagu bixiyo,Guud ahaan waxa uu sharax Musuq Maasuqa iyo noocyadiisa iyo Somalida heer lagu tiriyo.

Meelaha Daqliga kasoo xarooda ayuu sheegay in Musuq-Maasuq uu ka jiro sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo uu ku sheegay in Shirkada Favori aysan ogoleyn in laga xisaabtamo dhaqaalaha kasoo xarooda Garoonka Aadan Cadde oo ay gacan ku heyso Shirkadaasi.

Halkan Ka dhageyso Dr Nuur Faarax Hanti Dhowrihii Hore

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media