Dhageyso:-Dowladda Turkiga oo soo gaba gabeeysay dhismaha Saldhig Milateri oo ay ka Hirgelisay Muqdisho

Madaxda Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahisay halka uu marayo dhismaha Saldhig milateri oo dowladda turkiga ay ka dhistay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gabagabeyeen dhismaha Saldhigaas islamarkaana Bisha  Ogoosto  ay qorsheynayaan in ay keenaan Saraakiishii tababarka ku bixin laheyd Saldhigaas.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in Bisha September  ee Sanadkaan ay xariga ka jari doonaan Saldhigaas,balse haatan Saraakiil ka tirsan Turkiga ay sihoose oo bilaaw ah tababar u wadaan.

Hadalkaan ayaa Safiirka waxa uu sheegay xili shalay Wariyaasha uu la qaatay kulan Su’aalo weeydiin ah kaas oo looga hadlayay Sanad kadib Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi turkiga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Safiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media