Dhageyso:-Dowladda Turkiga oo ka qeyb qaadaneysa dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya C/Xakiin Daahir Siciid Saacid,ayaa sheegay in uu kulamo laba maalin ah socday uu la qaatay Saraakiil iyo madax ka socotay dowladda Turkiga.

Waxa uu sheegay in kalankaas ay uga wada hadleen sidii loo hormarin lahaa ciidanka Booliiska Soomaaliya,islamarkaana dowladda turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd.

Waxa uu sheegay in dowladda Turkiga ay balaan qaaday dhismaha Ciidnka,Qalabeyn tooda iyo Guud ahaan sidii loo heli lahaa Ciidan tayo leh oo k tirsan Booliiska Soomaaliya.

 

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya