Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya”Maxkamad ayaan la tiigsan doonaa Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay weerarkii qorsheysnaa ee xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Shir Jaraa’id uu Goordhow Warbaahinta u qabtay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Guriga la weeraray uu ahaa mid laga abaabulayay qiyaano Qaran isla markaana ay ku sugnaayeen Siyaasiyiin lagu tuhunsan yahay fal dambiyeedyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii laamaha amniga tageen Gurigaas ayna dadkii ku sugnaa u sheegen in ay wataan Warqad ruqsad u siineysa in ay Gurigaas baaraan balse ay ka diideen,isla markaana ay dagaal kala horyimaadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guriga Siyaasiga laga helay Dukumintiyo sahlikara in baaritaano lagu sameeyo,isla markaana dhawaan ay  Maxkamad ay la tiigsan doonaan  cadaaladna uu heli doono.

Waxaa xiliga uu shirka Jaraa’id qabanayay Afhayeenka Wasaarada hareerihiisa fadhiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan  Yariisow iyo taliyayaal ciidan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa isna dhankiisa sheegay sheegay in Siyaasiyiin kale ay baaris ku socoto,isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media