Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo Maamnuuceysa Gaadiidka qaar ee dalka Ganacsi ahaan loo keeno

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada ay mamnuuceyso in Gudaha Soomaaliya la keeno Gawaarida dhanka Midig Isterinka ku leh iyo waliba sidoo kale Gawaarida Albaabkooda uu u furmo dhanka Bidix ee Wadada dhankeeda ah.

Maxamed Cabdulalahi Salaad(Oomaar) ayaa sheegay in kulan ay la qaateen qaar ka mid ah Ganacsatada gaadiidka dalka soo geliya ee ka Ganacsada in ay joojiyaan Gawaarida Isteerinka ku leh dhanka Midig Albaabkana ku leh dhanka Banaanka ee Gacanta Midig islamarkaana Ganacsatadii ay ka aqbaleen.

Waxa uu arintaan ku micneeyay in tani ay uga gol leeyihiin arimaha amniga islamarkaana mararka qaar ay dhici karto Shilal ay waxyeelo ka soo gaarto dadka Shacabka ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media