Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday shir deg deg ah oo lagu xalinayo khilaafka Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay khilaafka xilligaan soo kala dhex galay Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray madaxtooyada ee Ahlusunna iyo Galmudug laga qabay rajo wanaagsan balse ay haatan u muuqato mid socon la,isla markaana markale uu bilaawday khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay qaaday tallaabada kaga aadan khilaafkaas,isla markaana ay bilaawday waan waanta labada garab ee is khilaafsan,waxa uuna sheegay in waan waan taas ay labada dhinac ka boodeen isla markaana shalay qaar ay muqdisho ka baxeen halka kuwii kale ay isla Maanta aadeen Cadaado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in 30 Bishaan May laga doonayo in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo khilaafkaas lagu xalinayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor