Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Dhagxaanta lagu jaray

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xeritaanka Wadooyinka Jidcadayaasha ah ee Xaafadaha dhexmara kuwaas oo dhagxaan Waaweyn lagu jaray si Gaadiidka uusan u marin.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid lagu xaqiijinayo dhanka amniga maadaama horay Gawaari qaraxyo siday oo soo maray Xaafadahaas lagu waxyeeleeyay dad Shacab ah.

Waxa uu sheegay in arintaan aysan dowladdu u sameyn in ay ku dhibaateyso dadka Shacabka ah balse ay tahay mid looga hortagayo qaraxyo kale oo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed uu ku daato sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media