Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixineysa qarixii ka dhacay Isgoyska Zoobe

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay mid Shacabka Soomaaliyeed asyan iloobi doonin isla markjaan ay tahay maalin Madow.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ugu talo gashay Musiibadaas 14 Milyan kuwaas oo lagu xanaaneynayo Agoontii ay ka tageen Waalidiinta ku geeriyooday qaraxaas.

Isaga oo sii hadlayay waxa uu sheegay in sidoo kale dowladda Soomaaliya ay weerarkaas ka jawaabi doonto Dhalinyarada Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media