Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo dhiseysa Guddi baara sababtii uu u dhacay dagaalkii deegaanka Xeraale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

Madaxwaynaha oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-degga ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri “ Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.”

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media