Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira ay siwadajir uga qeyb qaadan doonaan sugida amniga dalka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii London lagu gaaray iyo kii Muqdisho uu qeyb ka ahaa in siwadajir ah leyskaga kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshooyinka amniga loogu talo galay.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga Soomaliya waxa uu sheegay xili uu soo xirayay Shir looga hadlayay amniga oo ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media